Ciidamada Ilaalada Xeebaha Mareykanka ayaa helay burburka diyaaradii la la’aa ee Alaska, waxaana la xaqiijiyay in 10-kii qof ee saarna ay dhinteen.
Warbixin horudhac ah oo la helay markii la helay burburka diyaaradda ayaa lagu xaqiijiyey in saddex meyd ah la helay, 7-da meyd ee soo hartayna waxaa la rumeysan yahay inay weli diyaaradda ku jiraan.
Hadhaaga diyaarada rakaabka ah ayaa laga helay meel qiyaastii 34 mayl koonfur bari ka xigta magaalada Nome ee barafka.
Halkan ka akhri maqaalkii hore:
Raadinta ayaa ku socota Duulimaadka Alaska ee maqan
Diyaarad nooca Turboprop ah oo ay leedahay shirkadda Bering Air Caravan ayaa la waayay shalay oo Khamiis ahayd, iyadoo dul mareysay Alaska Norton Sound oo ay saarnaayeen 9 rakaab ah iyo duuliyihii diyaaradda.