Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Adeegga Bulshada ee Xukuumadda Soomaaliya, Cali Xaaji Aadan, ayaa shaaca ka qaaday in Ururka Al Shabaab ay maanta weerar ku qaadeen Hotel ku yaala Magaalada Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Sida uu sheegay sarkaalku, ugu yaraan lix qof ayaa ku naf waayay tiro kalena way ku dhaawacmeen weerar argagixiso oo lagu qaaday Hotelka Qaahira, halkaas oo ay ku shirayeen odayaal dhaqameed iyo saraakiil ciidan, si ay u qorsheeyaan falal qorshaysan oo ka dhan ah Al-Shabaab oo aaggaas ku sugan.

Wasiir Aadam ayaa sheegay in qof isa soo miidaamiyay uu gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa uu gudaha u galay afaafka hore ee Hotelka, taasi oo sababtay dhimashada ugu yaraan 6 ruux oo ay ku jiraan labo oday oo ka mid ahaa dadkii goobta ku sugnaa. Waxa uu ku nuux-nuux saday in odayaashan ay wadeen abaabulo ay ku doonayaan in ay dib ugu soo ceshadaan deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan oo weli gacanta ugu jira Al-Shabaab.
Warar madax banaan ayaa sheegaya in dhimashadu ay kor u dhaafi karto toban qof, iyadoo dableyda ay gudaha u galeen hotelka oo ay rasaas ku fureen intii uu shirku socday.
Sarkaal sare oo ka tirsan laamaha ammaanka ayaa sidoo kale ka digay in tirada dhimashada ay sii kordhi karto maadaama xaaladuhu ay sii kordhayaan.
Sida uu sheegay goob jooge magaciisa qariyay, ruux ismiidaamiyay ayaa gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa gudaha u galay hotelka oo ay ku shirayeen odayaasha dhaqanka. Ka dib, afar nin oo hubeysan ayaa gudaha u galay hotelka, waxayna bilaabeen inay rasaas ku furaan shaqsiyaadkii ku sugnaa.
Kooxda Al-Shabaab oo ka dagaalanta gudaha Soomaaliya ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkaas. Ururku waxa uu sheegay in dableydoodu ay si gaar ah ula beegsadeen mas’uuliyiin sar-sare iyo qaar ka mid ah bulshada ku dhaqan hotelka, waxaana u suurtagashay in ay gacanta ku dhigaan hub badan. Maleeshiyada ayaa sidoo kale sheegtay in dhowr qof ay wali ku xayiran yihiin dhismaha hotelka.