Baqdaad (Caasimada Online) – Dowlada Ciraaq ayaa sheegtay inay bixin doonto 300 oo milyan oo dollar oo magdhow ah Kuwait Airways Corp.
Afhayeenka xukuumadda Ali al-Dabbagh ayaa sheegay in golaha xukuumadda Ciraaq "ay ansixiyeen heshiis kama dambays ah oo dhammaystiran" Axaddii.
Wuxuu sheegay in wasaaradda cadaaladda Ciraaq ay maamuli doonto lacagaha.
Laakiin afhayeen u hadlay shirkadda diyaaradaha ee Kuwaiti ee ay dawladdu leedahay ayaa sheegay in lacag-bixintan aysan macnaheedu ahayn heshiis "ugu dambeeya". Adel Bourisli ayaa Isniintii sheegay in wadarta guud ee shirkadu ay tahay $1.3 bilyan oo ay ku jirto ribada.
Sheegashadan ayaa qeyb ka ah dadaalka Kuwait ay ku dooneyso in Ciraaq ay ku bixiso magta duulaankii 1990-kii ee horseeday dagaalkii Khaliijka 1991-kii. Kuwait Airways ayaa dalbatay magdhow diyaaraddii iyo qalabkii laga xaday intii uu socday duulaanka Ciraaq.